Jimco, Maanta oo ay taariikhdu tahay 31/1/2025.
Hogaanka Midowga Ardeyda Jaamacadda GSU, oo uu ugu horeeyo Madaxweyaha midowga Ardayda, mudane Cismaan Sheikh Maxamed Sheikh Axmed, Madaxweyne ku-xegeenka Mudane Maslax Salaad faarax, Xoghaya Filsan Muuse Yuusuf iyo dhammaan Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumada (MAGSU), ayaan yeeshay kulankoodii koowaad kadib magacaabista Xukuumada.
Sidoo kale, waxaa kulanka kasoo qayb galay Guddoomiyayaasha foloclty-yada.
Kulankan ayaa Ujeedadiisu ahayd ibarasho iyo is xog waraysi sidii loo anba qaadi lahaa, hawlaha horyaala Xukuumada.
Intii uu socdey kulanka, waxaa fikrado kala duwan is dhaafsaday Masuulliyiintii kulanka kasoo qayb gashay, sidii loo dardar-galin lahaa hawlaha horyaala Xukuumada.
=Dhammaad=